Total Pageviews

Thursday 30 November 2017

Soomaaliya iyo Lithuania oo unkay Xiriir Diblomaasiyadeed

Soomaaliya waxay maanta kula heshiisay dalka Lithuania in ay abuuraan cilaaqaad diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dal.

Heshiiska waxaa sal u ah in labada dal uu mid waliba uu kan kale ku qaddariyo madaxbannaanidiisa iyo wadajirkiisa dhul ahaaneed.

Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya, Yusuf-Garaad iyo Lithuania, Linas Linkevičius ayaa mid waliba uu dalkiisa u saxiixay heshiiska.

Heshiisku wuxuu ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire

Lithuania waa dal xubin ka ah Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Maanta laga billaabo labada dal waxaa ka dhexeeya cilaaqaad diblomaasiyadeed, kaas oo u waddada u furaya in ay labada dal iska kaashadaan dhinacyo labadaba dan u ah.



Monday 27 November 2017

Wadahadalkeyga Madaxweynaha Seychelles


Madaxweynaha Seychelles, Danny Faure, ayaa Isniin xafiiskiisa ku qaabbilay aniga iyo wafdigeyga.

Madaxweynaha waxaan ka wadahadalnay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Seychelles.  Madaxweynuhu wuxuu xusay in uu ku faraxsan yahay in wafdi Soomaaliya ka socda oo heerkan ahi uu dalkiisa soo booqdo.

Wuxuu ii sheegay in ay weerarrada burcad badeedku dhib weyn u geysteen Seychelles hadda ka hor, laakiin aanay jirin wax cuqdad ah oo ay Dowladda iyo shacabka Seychelles ay qabaan.  Sababtana waxaa uu ku tilmaamay in uu fahamsan yahay xaaladda uu dalku ku sugnaa 2008 oo ah xilli ay burcadbadeeddu ay aad u dhiirranayd.

Madaxweynaha waxaan uga warbixiyay isbeddellada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo in horumar ay ka sameyneyso dhinaca maamulka iyo dhismaha hey'adaha Dowladda. 

Waxaan isla qirnay sida loogu baahan yahay in ay labada dowladood iska kaashadaan sugidda amniga dhanka Galbeed ee Badweynta India oo ah badda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Seychelles. Madaxweynuhu wuxuu xusay in nabadgelyadu aanay ahayn berriga keliya ee biyaha badda loo baahan yahay in si nabadgelyo leh looga faa'iideysto. 

Waxaa kale oo aan isla soo qaadnay sidii aan isaga kaashan lahayn aqoonta ka manaafacaadsiga badda, ganacsiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Waxaan ka wada hadalnay maxaabbiista Soomaaliya ee ku xiran Seychelles sidii dhakhso loogu wareejin lahaa geyigooda.

Madaxweynaha oo si wanaagsan oo saaxiibtinnimo leh ii soo dhoweeyay waxaan
la wadaagay aragtida aan ka qaatay markii aan la kulmay lix Soomaali ah oo toddobaadkii hore la soo qabtay oo iyaga oo afar maalmood xirnaa aan kula kulmay Seychelles.

Waxay ku doodayaan in ay yihiin kalluumeysato, wax hub ahna laguma qaban.

Sidoo kale, waxaa isaguna Madaxtooyada igu qaabbilay Madaxweyne ku Xigeenka Seychelles.

Waxaan xarunta Xeer Ilaalinta maanta fadhi kula qaatay sii hayaha Xeer Ilaaliyaha Seychelles.  Waxaan ka wadahadalnay suurta-galnimada in Qareen Soomaaliyeed uu u doodo lixda eedeysane ee Soomaalida ah marka  dacwaddooda la qaadayo.

Fadhiyada Madaxtooyada waxaa igu wehliyay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Abdilatif Maxamuud Cali.  Dhanka Seychelles waxaa fadhiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Barry Faure, La Taliyaha Madaxweynaha Danjire Calixte D’Offay, Madaxa Xabsiyada Sychelles, Raymond Ange iyo Madaxa Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Ms. Aissata DIA.

Safarkeyga Seychelles wuxuu ku soo dhammaaday qado ay ii sameysay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Seychelles oo ay ka soo qeyb galeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo mas'uuliyiin kale oo rayid iyo ciidanba leh.

Madaxtooyada Seychelles markii aan galayay, intii aan joogay iyo markii aan ka baxayay intaba ma arag qori, bastoolad ama nooc kale oo hub ah.

Sidoo kale ma arkin xataa hal askari askari oo lebbisan.

Labadii ama siddeed saac oo habeennimo ayaan soo gaaray Nairobi si aan ugu biiro wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo wejiga hore ee socdaalkiisu yahay in uu berri subax ka qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Sunday 26 November 2017

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee Seychelles


Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahé ee dalka Seychelles ayaan maanta ku soo booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran.

Waxay ku xukuman yihiin sannado kala duwan ka dib markii lagu helay dembi burcadbadeednimo.

Waxaa laga soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa.

Inta kale waxaa u dhimman sannado xabsi ah, waxayna mas’uuliyiinta Seychelles diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya.

Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl.

Inkatsa oo xorriyad la'aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona.

Waxay ahaayeen dad ay oogadooda iyo hugooduba nadiif yihiin.


Lix hor leh


Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah.

Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood.

Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo.

Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato.  Nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda.  Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto ula sabbeysay.

Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas'uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah.

Faahfaahin badan hadda kama bixin karo.


Baaritaan ayaa ku socda.  Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa.

Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya - Soomaaliyeey toosa,  toosa oo isku tiirsada...

Berrito ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah.

Friday 17 November 2017

Afrika iyo USA ayaa maanta ka shiray Iskaashi

Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga. 

Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka.  Waxaa laga hadlay caqabadaha hor taagan horumarka ganacsiga siiba xudduudaha qafilan, musuqmaasuqa iyo tayada wax soo saarka warshadaha qaarkood oo heer tartan geli karta aan taagneyn.

Waxaa la eegayay kororka tirsada dadka qaaradda iyo horumarka uu dhaqaaluhu sameyn karo 2020, 2050 iyo weliba ka sii dib.

Waxaa laga hadlay la dagaallanka argagixisada.

Waxaa kale oo la soo qaaday sida ay dhallinyaradu uga qeyb qaadan karaan siyaasadda iyo howlaha kale ee dalkooda ka socda.  Arrintaas marka aan ka hadlay, tusaaleyaasha aan soo qaatay waxaa ka mid ahaa sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu abaabushay iyo kaalinta ay ka qaateen gurmadkii billowday 14-kii Oktoobar.


Marka aan soo qaaday gurmadkaas, waxaan u mahadceliyay dhammaan dalalkii noo soo gurmaday oo ay ugu dambeysay Rwanda.

Ujeeddada shirka waxaa lagu soo koobi karaa in la horumariyo Ganacsiga iyo maalgashiga, la dhiirri geliyo Dowlad wanaagga lagana hortago argaggixsada.

Waxaa ka qeyb galay soddomeeyo Wasiir Arrimo Dibadeed oo Afrikaan ah, waxaana na casuumay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson oo isaguna goob joog ahaa.


Shirku wuxuu ka dhacay xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.