Total Pageviews

Tuesday 4 August 2015

Kulan Danjiraha Shiinaha, Warsame


Zhang Nan oo ey tababbaraya
Saldhigga militeri, Linti, Shandong
November 17, 2009.
Iqilu.com
Shalay ayaan isku soo baxnay Danjiraha Shiinaha ee Muqdisho, Wei Hongtian.

In kooban oo aan wadahadalnay, Danjire Warsame waxaan u gudbiyay tacsi shakhsi ah khasaarihii soo gaaray Safaaradda Shiinaha, gaar ahaan geerida Zhang Nan oo ka mid ahaa ilaalada safaaradda oo weerarka ku geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay.

Danjiraha oo ay Soomaali badani u taqaan Warsame, waxaa magacaas loo bixiyay mar aan arday ka wada ahayn Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waana nin dhaqanka iyo Afka Soomaaliga wax badan ka yaqaan.


Meydka Zhang Nan,
garoonka dayaaradaha ee caalamiga ah ee Jinan,
Gobolka Shandong. Sawir: Sinhua / Lu Yaqi
January 2014 ayuu habeen ii sheegayay aragtidiisa Muqdisho oo ahayd in waxa ugu muhiimsan in magaalada laga qabtaa ay tahay in amniga la sugo. Annaga oo weli sheekadeenna wadanna ayaa laba baabuur oo is qarxinayaa ay weerar ku soo qaadeen goobtii aan fadhinnay.

Wuxuu berigaa u yimid sahan ay dowladdiisu u soo dirtay in safaarad laga furi karo Muqdisho iyo in kale. Qaraxyadii, rasaastii, geeridii, dhaawicii iyo argaggixii habeenkaas waxaan is lahaa amuu Shiinaha u quus gooyaa?

Laakiin bishii Oktoobar 2014 ayaa Safaaradda Shiinaha dib looga furay Muqdisho, ka dib markii ay xirnayd 23 sano.

Weerarkan hadda ugu dambeeyay waxaa safaaradda Shiinaha uga dhintay Zhang Nan oo ah 29 jir ka tirsanaa ciidanka Shiinaha 11 sano. Laba kalena wey uga dhaawacmeen.

Markii meydka iyo labada dhaawaca ah laga dejiyay garoonka Jinan, waxaa isugu soo baxay dadweyne, Wakiillo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Saraakiil sare oo militeri ah iyo saraakiisha degaanka si ay u sharfaan Zhang Nan, reerkiisana ugu tacsiyeeyaan.
Danjire Warsame


31-kii January ayaa shaqadiisa ugu horreysay dibadda loogu diray Soomaaliya. Tan iyo markaasna wuxuu ku guuleystay dhowr abaalmarinood.

Safaaradaha Shiinaha, Masar, Qatar iyo Kenya waxaa xarun u ah Hotel Jazeera oo qarax lala beegsaday Axad 26 Julay 2015.

Dhowor iyo toban ruux oo u badan dad waddada marayay iyo qaar xaafadda ah ayaa ku dhintay dhowr iyo toban ruux, wuxuuna dhaawac gaarsiiyay dhismaha dhinac ka mid ah lixda dabaq ee Hoteelka iyo dhismayaal badan oo agagaarka Hoteelka ah oo isugu jira guryo iyo xafiisyo.

Qaraxa oo weriyayaal reer Muqdisho ahi ay ku tilmaameen kii ugu weynaa ee magaalada ka dhaca, ma noqon kii ugu khasaaraha badnaa. 

1 comment:

  1. SANAD KA HOR BAAN LA KULMEY DANJIRE WARSAME IYO ZHUANG YOU YI OO AHAA DIPLOMACY DHALINYARO AH OO NAGA CAAWINAYEY VISAHA DAL KU GALKA , WAXAN KULA KULMEY ISLA AL JAZEERA HOTEL. WAXA AY MARKAAS IGALA TASHADEEEN SUURTA GAL NIMADA IN ARDEYDII HORE CHINA WAX UGA SOO BARTEY EE LUUQADANA YAQAANA IYO SAFARADU AY ISKA KAASHADAAN IN AY QABTAAN BANDHIG , LAAKIN MARKII DANABE WAKHTIGA NAGU YARAA WAANUNA KA CABSANEY IN AMNIGAYAGU AANU XASILONAAN DOONIN HADANAU KU DHIIRANO QABASHADA BANDHIGAAS

    ReplyDelete