Total Pageviews

Sunday 26 October 2014

Xariifnimada Xisaab ayaa ka dambeyn


Waxa la isku hayaa waa masiirka umadda Soomaaliyeed. Ma ahan wax ka hooseeya. Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Masraxa Siyaasadda dalka, kuwa ka shaqeysta iyo inta ka aga dhow aan xasuusinayaa wax shakhsigana u roon dalkana u roon.

Waa in Allah ka cabsi lagu daro howsha socota. Waa in tallaabo kasta laga dhigo mid Ilaaheey raalli ka yahay inta garaadkeennu na siin karo. Waan ogahay dad Allah ka cabsi ku sifoobay in ay jiraan. Waxaanse la hadlayaa kuwa u haysta in ay ayaga ugu badiso xaaladdan oo kale. 

Waxaan la hadlayaa isdirayaasha aan la dirsan. Waxaan la hadlayaa gacansatada siyaasadda. Waxaan la hadlayaa qalinshubatada siyaasadda. Waxaan la hadlayaa ragga col-u-joogga ah ee markaan oo kale gulufka horbooda ayaga oo ubrinaya. Waxaan la hadlayaa kuwa is been-farriima. Waxaan la hadlayaa naftood hafrayaasha. Waxaan la hadlayaa kuwa guureeya sida fiidmeerta. Waxaan la hadlayaa kuwa u haysta in siyaasaddu ay tahay khiyaamo, been iyo dil sidaana ku shaqeeya. 

Waxaan la hadlayaa kuwa wax kale oo dhan sheega marka laga reebo ujeeddadooda dhabta ah. Taas oo ah dantooda shakhsiga ah oo aan wax kale u wehlin.

Waxaan la hadlayaa inta Rabbi illowda xilligan oo kale, hadday xusuusan yihiinna aan ficilkooda laga garan, marka laga reebo wakhtiga salaadda in ay jameecada dhinac uga jiraan amaba ayagu ay xusuusiyaan in ay salaaddii gashay. Waxaan la hadlayaa kuwa aamminsan Rag iska dhicin iyo Rabbi ka cabsi in aan la is waafajin karin.

Qof walbow xusuusnow, kaligaa ayaa mas’uul ka ah qowlkaaga iyo ficilkaaga. Ilaaheey hortiisa ayaadna la tegi doontaa adiga oo xafiis, baabuur dhexdiis, hotel, fadhi-carbeed ama guri goglan oo la ilaalinayo midkoodna aan ku dhex qaxweyneyn.

Waxaan xusuusinayaa in talooyinka ay bixinayaan, go’aanqaadashada ay dhiirri gelinayaan iyo ka qeyb galka abaabulka dagaalka wejiyada badan ay mar kasta ku saleeyaan danta Qaranka.

Dowladnimadeenna culeys intan ka badan ayaa hore u soo maray, umana dhiman ee wey ka gudubtay. Haddana waxaan hubaa in hore loo socon doono, insha Allah.

Soomaaliya ha Noolaato.

                                                                 *************

Isla qormadaan markii aan ku lifaaqay Facebook, sidan ayay uga jawaabeen akhristayaashu.






14 comments:

  1. Fadlan, ra'yigaaga halkan hoose ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Mhadsnd Yusuf Garaad, runti masiirka umadda ma ahan in halis lagu geliyo waxan uqalmin, lkn waxa haboon dastuur xalina khilafka iyo paarlaman so kala dhex gala in lahelo, wlh hadan dhalinyaro nahy intan ka badan ma fiirsan karno waxa socdo, waa in isu diyarina sidi marxaladan xun ogu takhalusi laheyn runti madaxda ha xasustan hadi aynan helin addun in lagula xisabtamo, inay ka danbeyso qabrigi mugdiga aha oo cidne aynan raaci donin.

    ReplyDelete
  3. yuusufoow wax badan oo wanaag ah waad ka sheekeesay wax badana waad ka tigtay dadka aad la hadleeso ilaaah ha garansiiyo waxa aad fahansantahay

    ReplyDelete
  4. Garaad gabnimada garasha xumaanta ay cadaada u yesheen qaar ka mid ah saayaasi isku sheega somaalida waa mida na dhigtay qaran la'aanta.

    Hadaysan jirin aragtii dheer oo ku salaysan danta guud si maslaxad lagu hanaqaado loo gaaro laguna mudtaqabalka jiilasha soo socda ee Soomaaliyeed ilama ah inuu jiro doono dal iyo dad Soomaaliyeed masuuliuadeedana iyo dhalisheedana waxaa qaadan doona damaaciga aragtida gaaban ee danta gaarka ah wata.

    Waad Mahadsantihiin.

    ReplyDelete
  5. Yusuf wad ku mahadsan tahay, sida wanaagsan, ee aad dadka Wax walba sheega, marka laga reebo waxa ay raban moye. Lakin waxaan jeclaan in loo akhriyo qoralkan, waayo wax akhris fursad una hayaan oo waxay ku mashqulsan yihiiiin waa Dana hooda khaska ah.

    ReplyDelete
  6. Yuusuf waxaad la hadlaysaa baan u malayn kuwo badan oo xamar jooga weliba madaxtooyada iyo dhismaha baarlamaanka u badan ama ka hawlgala,mahadsanid adi xilkii ku saarnaa inaad sidey ahayd u gudatan qabaa waana wax sheeg haddiiba wax lagu qaadanaayo,xamar markaanoo kale waad u soo joogtay waa xilligii saacid iyo xasan ay ka dhex tolantaye maanta waa xasan iyo cabdiweli,raggaad tilmaamaysidna weli meeshiibay joognaan.
    laaluush qaate iyo bixiyana waa isku denbi.

    ReplyDelete
  7. Aadbaad u mahadsantahay Yuusuf. Hawsha sidaa u sii wad. Alle sw ayaa ku yiri rasuulka scw: "وذكر فإن الذكرى تنفع المؤمنين". Haka daalin inaad wacyi galiso marwalba. Waxaad si gooni ah xooga ubsaartaa dhalinyarada. Isbadal ayaa loo bahan yahay.

    ReplyDelete
  8. 1 Aboorkuba alaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
    2 Markuu ururo daartuu abyey baa la ashqaraaraaye
    3 Uli muusa line isku xidhay aragti waagiiye
    4 Iyaguba talyoo idil miday kaga adkaadeene
    5 Ilko wadajirkooday hilbaha adag ku gooyaane
    6 Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene.

    Naxariistiisa ilaah ha siiyo
    xaaji Aadan axmed ( Af qalooc)

    ReplyDelete
  9. mahadsanid wll , intas kadib wan jeclaan laha 100,000 oo dhalin yaro aha ama 1,000,000 , oo dhalin yaro ah oo dalka meelkasta ka jooga ama debedaba oo waxan hasyta dalka wax iska tiraahda, si is badal u emaan karo, dalka maaha uun in cid gaar ah la sugo , in cid gar ah masuuliyadiisa ay iska lahaato, dalkani waa hore ayay hooyadii dhimatay , aabihiina sida ay ila tahay wu sakaraadaya , waar waxa maanta wax badali kara wa dhalinyar, ee dhalin yarow cid wax ay ka dumayaan wa adigee xageed joogta oo aad ku maqantahay, mise waxa markasta farxad ku ah inaan dhagaysato khilafbaa soo baxay, dagaalbaa dhacay laba beelood ah, ninka waxa xulayana waxan leeyahay dhalinyarada doorkoodi ada ka reebay haday wax uun ka qayb qadan lahaayeen .wan ka baxay

    ReplyDelete
  10. waxaa aad laha hadashay dadka oo dhan marka laga reebo intii wax kaa maqli leheed.

    ReplyDelete
  11. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  12. Shaxda Horyaalka Qabiilka Soomaalida
    (Somali Clans professional league for men's association clubs).

    1. Kooxdaada(Arsenal, Chelsea, ManU: Dir, Daarood, Hawiye iwm.)

    2. Maamulka( Ergayga QM, AMISOM, AU, "Deriska", "Beesha Caalamka" iwm)

    3. Ciyaartooyga: Madaxwayne, RW, Golaha Shcabka, Mujaahid

    4. Taageere: Siyaasi, Aqoonyahan, Ganacsade, Oday-Dhaqameed, Wadaad, Ganacsade iwm.

    5. Milkiilaha kooxda? Wuxuu qorsheeyaa, hagaana mustaqbalka kooxda: Ciyaartooyga la soo iibsanyo, midka la fadhiisanyo, magaalada lagu ciyaarayo, abaalmarinta, khasaaraha iyo faaiidada, kooxda horyaalka kuu biiraysa, ama ka dhacysa sannadkan?

    Qaabka dhibacaha iyo goolasha loo xisaabiyo:

    4.5(kuraasta golaha), jago, mooshin, dil, dhac, kufsi, barokac, boob dacaayad iwm.

    Fadlan is waydii saddex qodob:
    1. Xubin ma ka tahay horyaalkaan?
    2. Kaalintee ayaad ka ciyaartaa?
    3. Aakhiro iyo adduun guul ma ka filaysaa?

    Shaxdan culimada siyaasaddu waxay u yaqaanaan Game Theory. Qabiil iyo sports isku si ayaa loogu dabakhi karaa.

    Marka qabiil lagu dabakho natiijadu mar walba waa hoog iyo halaag ama
    -Lose-Lose situation-

    Su'aasha ugu muhiimsan: waa ayo mulkiilaha kooxdani? Adigu ma u shaqaale is diray mise mid la dirsaday(mushahar leh)?

    Soomaali haddaad tahay:
    1. Aakhiraadaada u baq. Dhibcaha iyo goolasha aad u sacab tumayso waxaa la xisaabin maalin aad qaawan tahay.

    2. Adduunkaaga u baq. Ubadkaaga iyo ehelkaaga, aayatiin la'aanta kulaalaya.

    ReplyDelete
  13. Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh
    Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita
    Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa marooqsado

    ReplyDelete
  14. waxaan filayaa siyaasiyiinta somaliya ee muqdisho joogta iyo xaabada siyaasada ee barlamanka loo yaqaano inaanay warba kahayn dhibkii somaliya so martay ama aay hadaba marayso
    by awdal state

    ReplyDelete