Total Pageviews

Wednesday 22 October 2014

Isbeddel adigu inta aadan isbeddel rajeyn


Haddaadan adigu isbeddelin dalka isbeddel ha ka sugin. Maxaan ula jeedaa? Waayo sida hadda lagu socdaa waa midda halkan na dhigtay.

Haddii Dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Ganacsatada, Wadaaddada, Madax Dhaqameedka iyo dhammaan bulshaweynta Soomaaliyeed uu mid waliba sida uu hadda ku socdo ku sii socdo, hore uma tallaabsan doonno.

Taa macnaheedu ma ahan oo keliya in aan horumar la gaareyn ee hoos ayaan uga sii dhici doonnaa meesha aan caalamka ka joogno, waayo caalamka ayaan isagu joogi doonin meesha uu hadda joogo oo hore ayuu u tallaabsanayaa.

Haddii aad dooneyso in dalku xaaladdan iska beddelo oo muwaaddin kastaa ammaan iyo garsoor helo, dalkuna xasillooni iyo horumar ku tallaabsado, marka hore adigu wax ka beddel sida aad ku socoto.

No comments:

Post a Comment