Total Pageviews

Saturday 24 May 2014

Weerarka Baarlamaanka maxaa Xiga?


Villa Somalia, Maxkamadaha, Baarlamaanka! 
Xaggee xigta?
Inqaasta Yusuf-Garaad
Allaha u naxariisto dadka maanta lagu dilay weerarka Baarlamaanka. Ehelkoodana Samir iyo Imaan Allah ha ka siiyo. Waa waddaniyiin naftooda u huray daafaca Qarannimada Soomaaliya. Ka sokow wixii qoysaskooda loo taro, waa in astaan magacyadoodu ay ku qoran yihiin oo lagu xasuusto lagu dhejiyaa Baarlamaanka meesha laga soo galo.

Inta ku dhaawacantay weerarka waxaan Allah uga baryayaa in uu caafiyo.

Waxaan taageero u dirayaa Guddoomiyaha iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ee naftoodu maanta halis ku gashay in ay gutaan howshooda Qaran.

Marka XIgta, 14-kii bilood ee na dhaafay Shabaab waxay ku guuleysatay in ay weerarto dadna ku disho saddexda hey’adood ee ugu sarreeya Qarank: Fulinta (Villa Somalia), Sharci Dejinta (Baarlamaanka) iyo Garsoorka (Maxkamadaha).

Waxaa habboon Madaxweynaha iyo inta ku dhow dhow in ay si niyad ah isu weydiiyaan meesha ay wax ka qaldan yihiin. In ay fahmaan in ay u baahan yihiin in ay la tashadaan Madaxdii dalka soo maamuli jiray iyo kuwii amniga gacanta ku hayay.

Madaxweynaha waxaa la gudboon in uu safarkiisa soo gaabiyo oo hadduusan Caawa ku laaban caasimadda uu berri subax ka quraacdo. Waxaa habboon in isaga oo waajibkiisa gudanaya, uu haddana u isticmaalo xaaladdan mid isu soo dhoweysa isaga iyo Xildhibaannada doonaya in ay xilka ka qaadaan.

Cambaareyn waxba ma xallineyso. In afka lagu aargoosto oo la yiraahdo Shabaab weerar fuleynimo ayay soo qaadday ma badbaadineyso ummadda. Kaba darane in wixii dhacay been laga sheego micno ma soo kordhineyso, waana been abuur iyo marin habaabin ummadda oo lafteedu dembi ah. Weerarradii hore ka dib sidii loo dhaqmay oo kale in loo dhaqmo ma keeneyso in weerarro soo socda la baajiso.

Mar haddii saddexdii hey’adood ee ugu sarreysay Qaranka la weeraray waxay u baahan tahay in la odoroso, lana xuuraansado meesha ku xigta ee Shabaab damacsan yahay in uu weeraro. Iyada oo aan talada laga saareyn in ay dhici karto in saddexdii hore ay u weerareen mid ka mid ah ay mar kale dib u booqdaan.

Dadka tuhunka gelinaya Madaxweynaha iyo saaxiibbadiis, waxaan u sheegi lahaa in sida aanan anigu uga warqabin cidda weerarka ka dambeysa oo kale aanay iyaguna uga warqabin. Midda kale cidda sheegatay in lagu daayo ayay ku habboon tahay. Caqliguna wuxuu na siinayaa in Madaxweynuhu xataa dayacaad ula kas ah aan lagu eedeyn karin, sababta oo ah hooygiisii iyo xafiiskiisii ayaa tan maanta dhacay mid ka darani ay ka dhacday. Marka dhibka dhacay yaan looga sii darin tuhun iyo been faafis yaan dadka lagu kala dilin.

Soomaaliya Ha Noolaato.



7 comments:

  1. Fadlan halkan ku reeb aragtidaada. Mahadsanid

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. Yuusuf, meesha waxyaabo badan ayaa qaldan, maalin waliba innaga cambaareyn, calaacal, iyo af maroojis kuma jirno. Kow, ciidamada AMISOM maxey kahayaan dalka, haddaaney goobaha cayiman ee ay dalka ka joogaan hanan karin ammaankooda. Labo madaxda dalka, shacabka ha u sheegaan waxa ay qaban karaan, iyo waxa aaney qaban karin. Soomaaliya kama danbi badna dalalka kale ee caalamka, way mudan yihiin iney ku noolaadaan nolol sharaf iyo amni leh.

    ReplyDelete
  4. Aniga waeey ilatahay in ummadda somaaliyeed iska dhaafto is eedeynta iyo maa qolo hebla wax qabato, waa sax abniga ciidamada iyo wasaarad baa u xilsaaran lkn waxaa loo baahanyahay in maanta lasamata bixiyo qaranka iyo shacabka somaliyeed, dhibku wuu kabadan yahay kan maanta dhacay ee meel walba iyo maalin walba buu umadii somaliyeed heystaa ilaah hakasaaree, lkn isbadal ma imaanayao ilaa aan inagu isbadal lanimadno eey muwaadinimo kudheehanatahay iyo wada shaqeyn cid walbo ah, waayo cidkalaba dhaafe waaxaan wada shaqeyn kadhex muuqan kuwa iyagu iskuaheega ineey maanta umadda majar aha u hayaan oo meeelo iyo magacyo kala duwan sheegta. Waa hadeey baarlmaan yihii, ama gobolo horkacayaal yihiin, amaba wasiirada iyo ciidamadaba iyo waliba odayaasha dhaqanka iyo culimadaba wax israacsan lamahaayo. Waxaani habaarbaa haleelay ilaaha heynaga saaree.

    ReplyDelete
  5. wexey ilatahay in hey adaha amanka ay intaani tusaale ugu filan tahay

    ReplyDelete
  6. Yussuf Garaad maanta ma kula tahay in wixii aad durbaanka u qaadatey kadibna aad abuurtey intii aad BBCSomali maamulka ka ahayd,,qaabkan qabiil ee gaarey in wajiyo badan lasoo marsiiyey oo reer kaliya oo reerkiina ah ay kusoo dhamaadaan qaabkan xun eed abuurtey,iyagoo u arka inay reer kale oo reerkayga ah ku jihaadayaan,,marka makula haboon tahay inaad weli sii wado adoo isu tusaya dadka inaad ka tarjumaysid sida qoraalkan aad usoo dhigtay,,mise waa digniin hor leh sidaan u fahmay oo weli aad u direysid dadka Somaliyeed ood ugu sheegeyso hadaan la idin ogolaan inaad Somaliya maamushaa,,in waxaas iyo wax kasii daran baan soo wadnaa oo dhacaya horeyna anagaa u samaynaye ee ogaada,,,maad sida fiican wax u fiirisaan dadku waa idinka badan yihiine,,idinkana damac iyo feejignaan badane..waa iga dardaaran,,isdabo qabta Somalina dejiya idinkoon shuruud iyo ficil dambe ku xireyn oo eega sida aduunku naga damacsan yahay ee loo rabo in Somalia loola wareegaba amaba loolaba wareegayba...

    ReplyDelete
  7. gabay:
    masuul dhakanaaya amaan dhalin maayo
    dhaaraan dhab aheeyn dhisi meeyso dhulkeena
    dhamaan umadeena dhameysaa lasugaayay
    dhicisaa ka dhashoo dharaar laxawaalay
    dhur waagii dhutinaayay dhabahuu ku dhaqaaqay
    dhiicaankiisii ku dhamaaday dhaqmi waayay urkii.




    waxaa qoray : maxamed xasan xaaji axmed

    ReplyDelete