Total Pageviews

Monday 26 May 2014

Daryeela Ciidanka


Agab Difaac
Yusuf-Garaad

Ciidanka Soomaaliya oo ah ciidan dagaal-u-joog ah waxay ku dhintaan firir iyo xabbado aan ahayn in ay qof ciidan ah dilaan. Ma la is weydiiyay sida kulligood loogu heli karo koofiyad bir ah iyo kor-gashiga celiya firirka iyo rasaasta yar yar iyo midda soo daashay?


Dhanka kale, baabuurtooda ayaga oo saaran ayay rasaas ama firir soo gaaraa ka dibna ay u naafoobaan amaba u dhintaan. Ma la heli karaa baabuurta aan rasaastu karin ee madaxda qaarkood ay ku socdaan in ciidanka lagu daad gureeyo marka ay waddooyin khatar ah marayaan?

Waa qaali ioo lama goyn karo iyo wey adag tahay waan fahmi karaa, laakiin waxaa ka horreysa in la is weydiiyo oo laga arrinsado sidee loo heli karaa agabkaas?


Xataa haddii loo waayo in ku filan ciidanka oo dhan, miyaan la heli karin qaar wadaag ah oo marba inta markaas howlgal u socotaa ay qaataan.

15 comments:

  1. Runta Ayaad Ka Hadashy Yuusuf Ciidanka Qaranka Wa In Xaqooda Meel Lagaso Baxaa Sida Ay Qaranimo Usurta Kashay

    ReplyDelete
  2. Haddi askarigii gadanaayo qalabkiisa ka waran. I know there are other "mitigating factors" that lead to the indiscipline in the armed forces, but my fear is that the potential illegal transfer of helmets and kelvars to Alshabab might lead to deadlier attacks since most of them are eliminated in attacked fairly quickly. With acces to body armour, this might lead to longer firefights and more casualties.

    ReplyDelete
  3. i salute u Yusuf garaad wallal this a great advice allaha ajar ka siiyo our leaders ne kuwi dhgeysta oo maqlo ha ka dhigo

    ReplyDelete
  4. Yuusuf Garaad qormooyinkaaga intaan arkay waa wada MACQUUL- caqligal- arrintan aad hadda qortayna waa GAR...balse ma ogi in madaxdu is weydiisay iyo in kale. Waxaan hubaa dhaawac wayn in uu naga haysto 'hoggaankeenna'

    ReplyDelete
  5. Qalbigaa i xanuunay habeen aan nin madax ah la raacay baabuur kuwa aan xabbadu karin ah. Annaga oo baabuur noocaas ah ku jirna nimanka na ilaalinaya waxay saarnaayeen baabuur ay xabbadu karto, welibana dul bannaan ah (siibleey), dusha ayayn ka saarnaayeen. Runtii qalbigeygu ma joogin waxa la ii sheegayay, waxaan ka fekerayay xaaladda nimankaasi ay ku jiraan oo ay u dayacan yihiin ayaga oo ilaalinaya nin madax ah oo isagu ku jira baabuur qafilan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Again, this is about maneuverability and the need for swift reaction. Haddii labada gaariba armoured vehicles ahaan lahaayeen, oo wadada la idin ka xiro, goormaa soo baxaysaan?.

      This is the practical nature of being a soldier.

      Delete
  6. Yusuf maxuma fikirkaado lkn armeey madaxdu kabaqeysaa in eey adagtahay maanta in qalabka noocaas ah lagu aamino qaar kamid ah ciicadanka somaliyeed, aniga malihi dhamaantood lkn wey kujiraan kuwo aan u jajabneyn wadaninimada ama axdiga qaran ee saaran ee adiga seed u aragtaa malagaaray xilli loodhiibi karo wax kastoo lahelikaro waaba hadii loo awoodee?

    ReplyDelete
  7. As waad salamantihiin dhaman garahan yusuf garad. fikirkeyga 1 waa in marka hore lahelaaa ciidan qoran oo loo dhamestiray karka aqoonsi iyo tira sax hadii taa lahelo waxaa imaneyso ciidan la amino 2 marka xiga loo dhamestiray musharkoda 3 markas ayaa ladaboli karaa bahida agab ama qalabka anxabada karin. Waxaan ku borilahaa xildhibanada sharafata badan iney kula xisabtaman Dowlada iyo maxweynaha xaqa ciidanka .waa in laxasuustaa sida gesinimaa kujirtay ee loo difacay barlamanka mahadsanid

    ReplyDelete
  8. Waxaan maqli jiray WANka waa la xaniiyo-siibay ama waa la tumay!.
    Soomaaliyana waxa ay noqotay sida waankaas oo kale, 1991-kii wixii ka horreeyay Soomaaliya waxa ay ahayd sida WAN cayilan oo barwaaqaysan oo kale, laakiin waqtigaa wixii ka dambeeyay Soomaaliya waa la xaniinyo-siibay, Maantana sidii lala doonayay ayay maraysaa, oo ah in ay Dowladi jirto hadana aysan lahayn hay'ado ay ku shaqeyso iyo wax ciidan ah oo difaaca intaba, waxaa is-weydiin mudan: Maxaa kallifay in ciidan Ajnabi ah la keeno oo mushaar 10-laab ka badan kuwa Ciidanka soomaaliya la siiyo ay qaataan, halka ay ciidanka Qaranka Soomaaliyana la dayacay oo ay marna gadoodaan marna dadka dhacaan, sidii nalala doonayay sidaas ayay ahayd, waxaa la yiri " Ri' meesha ay isdhigto ayaa lagu gowracaa ", Maanta meesha aan taaganahay inaga ayaa isdhignay, cid aan ku eedeynona ma jirto, ee miyaysan haboonayn " Caano Daatay Dabadood ayaa la qabtaaye " inaynu isdabaqabano, oo aan isqabqabsiga iyo is-eedaynta iska dhaafno?, Anigu waxaan isleeyahay dad haddii ay tashadaan wax uun waa ay qabsan karaan ee soomaliyi ha tashato.
    #Cidina uma maqna ceelna uma qodna.
    Somaliya ha noolaato.

    ReplyDelete
  9. run ahaantii garaad waa wax sax ah loona baahanyahay in laga fikoro lkn anigu waxaan dhihi lahay horta madaxdu maku bararugsantahay in baabuur iyo qalab nuucaas ah la raadiyo sidii lagu heli karaba? markii la helo madax ku baraarugsan arinkaas kadib waa la fulin karaan lkn hadiiba aan lahayn kawaran

    ReplyDelete
  10. Gabay:
    Dad is biirsadaa, baraaro gaaree.
    Baadigoob wixii lumay, baryaba hanoqotee
    Barlamaan bashiishaan, baaq kadirayaahe.
    Beesey wada barteen , beena maahine.
    Jeeb labuuxshey baratan ugu jiraan, badi ahaantoode.
    Baacugey kabarareen , sidii bilcaan bila dhameysaye.
    Beenloow siyaasi, bohol maaqodeysaa.
    Boos raadisbaa , bilyan kubixisaane.
    Bulshayaheey baasaastay, burburka adeeys baday.
    Dad is biirsadaa, baraaro gaaree.
    Baadigoob wixii lumay, baryaba hanoqotee.



    waxaa qoray: Maxamed xasan xaaji axmed

    ReplyDelete
  11. It will come true one day Insha. .....

    ReplyDelete
  12. Fikir wanagsan weeyana lakiinse mid ma is weydiisey adiga Yusuf ah ciidanka baahi kale ayaa heysa oo mushaar maqaataan hadey qataana kuma filna taasina waxey sabab u noqatey iney dharkoodii Al'shababa ka iibsadaan kadibna madaxda dowlada iyo meelaha muhiimka ah kusoo weeraraan hadaba miyeysan dhici karin hadii agabkaas loo helo iney sii iibsadaan ee taasina sabab u noqato in shabaab awood badan helaan dabcan laakiin in ciidan la qalabeeyo waxaa ka horeysa in madax daacad ah la helo. inta saaxiib iyo qabiil ama urur lagu soo dooranayo shaqsiyaadka dhibka wuu sii jiri doonaa ee ilaahey hanaga saaro dhibaatada.aamiiin

    ReplyDelete
  13. wallahi yuusufoow anaga dowlad fiican meesha kuma hayno musuq maasuq ayaa iska jiro ciidanka maxaa qalab loo gadaamushaarkooda ayaaba lasiinin marka ilaah qof daacad hanoo sahlo

    ReplyDelete